Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka G 7 oo Kulan uga furmayo Talyaaniga.

Wasiiradaasi oo ka kala socda 7-da Waddan ee Wershadaysan waxaa Shirkoodii Sannadlaha maanta uga furmi doonaa magaalladda Tuskani ee Talyaaniga , kaasi oo ay kaga hadli doonaan Ajendayaal badan.

Shirkaasi oo socon doona muddo 2-cisho waxaa markii ugu horreysay ka soo qeyb geli doona Xoghayaha cusub ee Arrimha Dibedda ee dalka Maraykanka, Rexis Tillerson.

Ajendayaasha ugu muhiimsan ee ay ka hadli doonaan waxaa ka mid ah Xiisadaha dalalka Syria, Waqooyiga Kuurya iyo Xiriirka Reer Galbeedka iyo Raashiya.

Wasiiradda uu Shirka uga furmayo Talyaaniga waxay ka kala socdaan dalalka Jarmalka, Faransiiska, Britain, Talyaaniga, Maraykanka, Japan iyo Kanada.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media