Wasiirada Kenya oo mushaarkooda muddo hal bil ah ku deeqay gurmadka abaaraha

Wasiirada Kenya ayaa muddo hal bil ah huri doonaa mishaarkooda si ay u garab istaagaan dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka Kenya.

War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in golaha wasiirada ay isku raaceen in dhaqaalaha laga soo uruuriyo dhammaan xubnaha golaha wasiirada ay qeyb ka noqdaan taageerada wax ka qabashada abaaraha dadka Kenyaanka ah ee ay dhibaatadu saameysay.

Waxa kale oo war saxaafadeedka lagu sheegay in la dhimo qiimaha gallayda oo sarreeysa, waxayna ballan-qaadday in ay suuqa ka taageeri doonaan beeraleyda goosanaysa dalaggooda.

Malaayiin qof oo Kenyan ah ayaa xiligan wajahaya macluul kuwaas oo u baahan gargaar cunto iyadoo abaar daran ay hadda jirto, .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor