Golaha wasiirada cusub ayaa lagu wadaa in goor dhow la horgeeyo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, si ay ugu qaadaan codka kalsoonida xukuumada uu soo dhisay ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre.
Xildhibaanada baarlamaanka aya la filayaa in kulankooda maanta  go’aan rasmi uga gaaraan arinta xukuumada cusub oo xubnaha qaar baarlamaanka la sheegayo inaysan ku qanacsaneen qaabka loo soo dhisay xukuumada ra’isul wasaare Kheyre.
Sida qorshuhu uu yahay waxaa baarlmaanka maanta hortagaya ra’isu wasaaraha xukuumada, mudane Xassan Cali Kheyre, si uu u horgeeyo mudanayaasha baarlaamanka golihiisa wasiirada, una weydiisto codka xildhibaanada, si loo ansixiyo wasiirada cusub.
Indhawaanahan waxaa jirta mooshin ay wadeen in ka badan 100 xildhibaan oo diidanaa sida loo maray dhismaha xukuumada cusub, waxaana tabasho ay ka keeneen xilalka qaar ee la magacaabay, balse lama oga halka uu ka danbeyn doono go’aanka xildhibaanadaasi.