Wasiirka Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay daah-furay Barnaamijka Xiriirka iyo Wada-shaqeynta ee Hay’addaha Dowladda qeybahooda iyo Warbaahinta Caalamkaa.
Wasiirka waxa uu tilmaamay in Hadafka Wada-shaqeynta tahay sidii loo xoojin lahaa Xiriirkaasi iyo sidii loo samayn lahaa Nidaam iyo Hab-raac loo maro, iyadoo Wasaaradda Warfaafinta hormuud ka noqonayso, si loo mideeyo Fariimaha ay DFS u dirayso Dadka Soomaalida.
Kulankaasi waxaa la isla qaatay in dhamaan saraakiisha warfaafinta ee hay’adaha dowladda ay wada hoos yimaadaan Wasaarada
Wasiir Eng. Yarisow waxa uu carrabka ku dhuftay inay Wasaarada Warfaafinta ka go’an tahay in bulshada iyo dowlada la isku xiro, lana bilaabi doono wacyigelin bulsho ee arrimaha muhiimka ah sida gurmadka abaaraha, amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Dimoqraadiyeynta dalka.â€
Kulankaasi waxaa ka  qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socotay Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha, Madaxtooyada, Wasaaradaha Dowladda iyo Qeybta Warfafinta ee AMISOM, waxaana lagu falaanqeeyey sidii loo mideyn lahaa Horumarinta Warbaahinta Dalka.
©Radio Dalsan