Wasiir Sadiiq Warfaa iyo dhiggiisa Turkiga oo ka wada hadlay Arrimo kala duwan

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa kullan gaar ah la qaatay Wasiirka Shaqada, Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee dalka Turkiga, Zehra Zumrut Selcuk.

Kullanka oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa looga wada-hadlay mashaariicda socda ee ku saabsan xoojinta shaqaalaha iyo shaqaalaysiinta.

Waxaa kalo lagu dheeraaday inta uu kullanka socday sidii loo guda-gali lahaa is afgarad la xiriiray horumarinta iyo tababarada shaqaalaha oo labada wasaaradood ay horey u gaareen,iyadoo is afgaradka ay ansixiyeen golaha wasiirrada ee labada dal.

“Sidoo kale waxaan isweydaarsanay aragtiyo ku saabsan kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya labadeena dal.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo xukuumadda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadik Warfa ayaa u jooga Istanbul ka qeybgalka shirka koowaad ee heerka wasiirrada ah ee ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadlayo horumarinta Bulshada,halkaa oo uu khudbad ka jeedin doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media