Masuul ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle oo Caawa geeriyooday

Allaha u Naxariistee waxaa Caawa Magalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Maamulka Hir-Shabeelle.

Marxuum Siciid Xaashi Tooxow ayaa maalmahaan ku jiray Isbitaalka Urdugan Ex,Digfeer ee Magalada Muqdisho,ka dib xanuun  soo wajahay balse uu Caawa geriyooday.

Geerida Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa Radio Dalsan u xaqiijiyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo dekadaha Hir-Shabeelle Xuseen Maxamed Tuuryare,waxa uuna sheegay in isaga oo Muqdisho ku sugan uu xanuunka ku soo booday sidaasna lagu geeyey isbitaalka.

Madaxda Sare ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Maamulkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor