Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa Maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Kulanka u dhexeeyay Wasiir Islow iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo wada-shaqeynta ka dhxeeysa labada dhinac.
Sidoo kale Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo James Swan ayaa ka wada hadlay u diyaar garoowga sugidda amniga Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dhamaadka sanadkaan 2020/2021.
“Waxaan maanta kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay James Swan oo aynu ka wadahadalnay xaaladda dalka, Wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda Amniga Xilliga Doorashooyinka” ayuu yiqi Wasiir Islow.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan sidii ay u dhici laheyd Doorashada Madaxtinimada dalka, isla markaana Ra’iisul Xasan Cali Kheyre ayaa shaaciyay in la qaban doono Doorasho nabad ah.