Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Markale ka hadlay Khilaafka dhinaca waxbarashada ah ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland.
Wasiir Goodax Barre oo ku sugan dalka Turkiga oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Waxbarashada Puntland ay u afduuban tahay shaqsiyaad gaar ah oo aan wax shaqo ah ku laheyn arrimo waxbarasho.
Waxaa uu sheegay Wasiir Goodax in waalidiin badan iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland ay og yihiin cidda sida gaarka ah ay ugu afduuban tahay waxbarashada deegaanada Puntland.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrinta shahaado siinta Arday dhameeysatay waxbarashada dugsiyada sare ee Puntland, wuxuuna tilmaamay in Arday kasta oo Puntland jooga uusan arki doonin Shahaadada dowladda ilaa inta uu ka galayo Imtixaanka Qaranka.
Dhinaca kale Wasiir Goodax Barre ayaa weerar Afka ku qaaday Senatar Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo qaar kamid ah wasiiraddii hore ee waxbarashada Puntland, isagoo ku eedeeyay inay hortaagan yihiin in Ardayda Puntland wax la qeybsadaan ummada Soomaaliyeed.
Si kastaba hadalka Wasiir Goodax Barre yaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo maalmo kahor C/raxmaan Faroole uu dowladda ku eedeeyay in ay dooneyso inay kala furfurto waxbarashada Puntland, wuxuuna dowladda Faroole ugu baaday inay adkeeyso ku dhaqanka Dastuurka dalka.