Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaaday tallaabo siyaasadeed oo muhiim ah oo uu dib ugu furayo cilaaqaadka difaaceed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kadib sanado mugdi siyaasadeed iyo wadashaqeyn la’aan u dhexeysay safaaradda Mareykanka iyo wasiirkii hore ee Difaaca, Cabdulqaadir Maxamed Nuur “Jaamac.”
Axmed Fiqi, oo leh khibrad dheer oo dhinacyada amniga, siyaasadda iyo diblumaasiyadda ah, ayaa si degdeg ah u bilaabay kulammo diblumaasiyadeed tan iyo markii la magacaabay. Wuxuu la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Larry André Riley, kulan lagu sifeeyay mid dib loogu billaabayo xiriir istaraatiiji ah oo muddo kala go’naa.
Wasiir Fiqi ayaa kulanka kadib sheegay:
“Waxaan ku faraxsanahay kulanka aan la yeeshay Safiir Riley. Mareykanku waa saaxiib iyo xulafo amni oo muddo dheer nala soo jiray. Aad ayaan uga mahadcelinaynaa taageerada joogtada ah, waxaana rajeyneynaa in aan sare u qaadno xiriirka difaaca annagoo iska kaashaneyna la dagaallanka Al Shabaab iyo ISIS.”
Safaaradda Mareykanka oo dhankeeda war ka soo saartay kulankaas ayaa tiri:
“Safiir Riley wuxuu shalay la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Fiqi si ay uga wadahadlaan xiriirka difaaca. Kulankaasi wuxuu sutada u dhigay saldhig adag oo lagu sii xoojinayo iskaashiga Mareykanka iyo Soomaaliya ee la xiriira amniga.”
Isbeddelka hoggaamineed ee uu horseeday Wasiir Fiqi ayaa loo arkaa fursad cusub oo lagu dhisayo kalsoonidii si weyn u daciiftay xilligii wasiir Jaamac, oo xiriirkiisa safaaradda Mareykanka uu ahaa mid hoos u dhacay sababo la xiriira is-faham darro, wadashaqeyn la’aan, iyo niyad jab ku yimid qorshayaashii wadajirka ahaa ee dhinaca amniga.
Ilo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu muujiyay in uu la tacaalayay “wada-xaajood xaddidan” iyo “kalsooni la’aan hab-dhaqan” intii uu Jaamac xafiiska joogay, taasoo sababtay in hawlgallo la xiriira tababar, taageero iyo qorshayaal milatari ay dib u dhacaan ama ay gabi ahaanba istaagaan.
Fiqi oo horey u soo noqday Agaasimaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa si weyn loogu ammaanay fahamka uu u leeyahay xiriirrada caalamiga ah iyo qorsheynta istaraatiijiyadda amniga gudaha. Xirfadiisa iyo aqoontiisa ayaa hadda muujinaysa inuu yahay hoggaamiye lagu kalsoonaan karo oo dib u mideyn kara iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka.
Wada-xaajoodyada cusub ayaa la filayaa in ay horseedaan kordhinta tababarada, taageerada qalabka milatariga, hawlgallo wadajir ah, iyo dib u dhiska awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya.