Wasiir Fiqi oo Booqday Koontaroolo ay la wareegtay Galmudug

Maamulka Galmudug ayaa la wareegay baraha Koontaroolada ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana Maanta kormeer ku tegay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo uu wehlinayo Senatar Cabdi Xasan Cawaale qeybiid iyo xubno kale ayaa Kormeeray Baraha Kontaroolada ee Gaalkacyo, kuwaasi oo Magaalada uga yaalla goobo muhiim ah.

Sidoo kale Wasaaradda Galmudug ayaa Ciidamo Boolis ah ku wareejisay dhamaan goobaha canshuuraha lagu qaado iyo Baraha koontarool, iyadoo Maamulkaas uu la wareegay gacanta ku heynta saddex barood oo laga soo galo Gaalkacyo.

Wasiir Fiqi ayaa Ciidanka Booliska kula dardaarmay inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday, wuxuuna shacabka Gaalkacyo ka dalbaday inay la shaqeyaan laamaha amniga.

Wasaaradda Galmudug ayaa maalmo kahor lagu wareejiyay Ciidamo Maleeshiyaad ah, hub iyo gaadiid ay heysteen Ciidankaas, iyagoo loo qaaday Magaalada Dhuusamareeb, si ay qeyb uga noqdaan Ciidanka dowlad Goboleedka Galmudug.

Comments
Loading...