• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, June 21, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Wasiir Dr. Abdusalam H. Omer : “OIC waxa ay ogolaatay in taageerada loo fidiyo Soomaaliya ay noqoto mid toos ah”

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 2, 2015
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka qeybgalay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamiga , wareegiisa 42,aad oo ku qabsoomay dalka Kuwait maalmaha 27-28 bishii hore May  , ayaa waxa uu sheegay in Shirkaasi guulo wax ku ool ah ay ka soo hoyday dowladda Soomaaliya .

Wasiir Dr. Abdusalam Hadliye Omer oo Shir Jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho , ayaa waxa uu cadeeyay in Wasaaradiisu ay diiradda saartay ka hadlidda arrimaha kala ah :

1-    Xoojinta iyo mideynta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya , taageero ballaaranna loo fidiyo.
2-    In Dowladda Soomaaliya ay kaga guuleysatay  kooxda nabad-diidka dhinaca milatariga , loona baahan yahay taageeridda dhisidda iyo qalabeynta ciidan Soomaaliyeed oo xoog leh.
3-    In la maalgeshto dalka Soomaaliya ,lana soo saaro kheyraadka kala duwan ee dhex ceegaga Bad iyo Beri, si loo abuuro fursado shaqo oo suuragelin karta la dagaalanka saboolnimada , colaada  una yaraado saboolnimada iyo colaada.
4-    Hiigsiga 2016 oo ah qorshe loogu saldhigayo, laguna fidiyo awoodda Dowladda hab nidaam federaal ah , iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda H.E. Hassan Sheikh Mohamud  iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda H.E. Omar Abdirashid Ali Sharmarke ay ku howlan yihiin hirgelinta Hiigsigaasi iyagoo kaashanaya hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , waxa kale oo uu intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay noqotay Dowladda Kaliya ee wiiqday awoodda koox aragagaxiso oo nabad diid ah, lagana sifeeyay dalka intiisa badan.

Dr. Abdusalam H. Omer, waxa uu xusay in Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ay isku raaceen in Soomaaliya laga taageero dhinacyada Siyaasadda , dhaqaalaha , maalgashiga iyo Xoojinta awoodda ciidanka Xoogga dalka , waxa uu yiri “ OIC waxa ay ogolaatay in taageerada loo fidiyo Soomaaliya ay noqoto mid toos ah oo aan loo marin Hey’ado ama Ururo, lagulana xisaabtamo qaabka loo maareeyo deeqaha maaliyadeed”.

DSC08177 DSC08178 DSC08183 DSC08187 DSC08190 DSC08192

Previous Post

Aabiteey aad u weyn (Giant kite) oo ku habsatay dad ku xoonsanaa Bartamaha dalka Japan

Next Post

(FAALLO): Maxay Dowladda Kenya u qoonsataa Qaxootiga Soomaalida?

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad
Warar

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

June 21, 2025
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed
Warar

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

June 21, 2025
Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka
Warar

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

June 21, 2025
Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan
Caalamka

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

June 21, 2025
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

June 19, 2025
Next Post

(FAALLO): Maxay Dowladda Kenya u qoonsataa Qaxootiga Soomaalida?

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maalinta berri oo ku beegan...

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, horey ugu muddeeyay in uu qabsoomo 22-ka Juun...

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Waxaa lagu wadaa in toddobaadkan magaalada Muqdisho uu ka furmo shir albaabadu u xiran yihiin, kaas oo uu guddoomin doono...

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in aysan dib u bilaabi doonin wadahadallada ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka ilaa la joojiyo weerarrada lagu...

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad
Warar

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed
Warar

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka
Warar

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan
Caalamka

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad
  • Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed
  • Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka
  • Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00