Safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Jabuuti Danjire Maxamed Cali Nuur, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa cusub oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo bedelay Xoghayihii Joogtada KMG ahaa Maxamed Isxaaq Aadan, kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, ayna goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa waxa uu ku booriyay Xoghayaha joogtada cusub inuu dejiyo qorshayaashiisa shaqo si uu uga guul keeno ujeeddooyinka siyaasadeed ee Wasaaraddu u igman tahay iyadoo la raad-raacayo dhammaan howlaha gudaha iyo dibadda.
Wasiirka waxa uu farta ku fiiqay in dhismaha Wasaaradda uu isku bedeli doono bisha May ee nagu soo fool leh goob doog leh oo nasiinno leh, iyadoo la dhisi doono naadiga diblomaasiyiinta.
Iyadoo la fulinayo tilmaamaha rasmiga ah ee Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu magacaabay Danjire Maxamed Cali Nuur inuu noqdo Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda maalin khamiis ah, taariikhduna ahayd 20 Febraayo.
Tan iyo 2013, Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa maareeyay sagaal xoghaye joogto kumeel gaar ah, oo magacyadoodu kala yihiin sidan soo socota:
1- Danjire. Maxamed Shariif Maxamuud
2- Danjire. Cabdisalaan Xaaji Axmed Liiban “Dhabancad”
3- Avv. Xirsi Xaaji Culosow Xirsi
4- Mudane. Cabdi Ciise Diirshe
5- Mudane. Cabdullahi Dool Maxamed
6- Sheekh Yuusuf Cali Maxamed “Yuusuf Afgooye”
7- Danjire. Cali Maxamed Cali “Cali bin Cali”
8- Danjire. Saciid Xaaji Maxamuud Faarax
9- Mudane. Maxamed Isxaaq Aadan