• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 8, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Wasiir Cawad oo ka hadlay sababta Somalia ay u diiday qaraar kasoo baxay Jaamacadda Carabta

Bilan Media by Bilan Media
June 25, 2020
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Inta badan dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta ayaa Masar ku garab istaagay khilaafka ku saabsan biyo xireenka Wabiga Niil ee kala dhaxeeya Itoobiya, balse waxaa go’aankaas kasoo hor jeestay Soomaaliya, Jabuuti iyo Qadar.

Shir aan caadi ahayn oo ay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ku yeesheen qaab muuqaal ah ayaa lagu soo bandhigay qodob dhigaya in Masar lagu taageero mowqifka ay ku diiddan tahay in la buuxiyo biyo xireenka ay Itoobiya ka sameysatay Wabiga Niil.

Qaraar laga soo saaray gabagabadii kulankaas ayaa lagu sheegay in “amniga biyaha ee Masar iyo Suudaan uu qeyb muhiim ah ka yahay amniga qaran ee dalalka carbeed”.

Dhinaca kale, qaraarka Jaamacadda Carabta wuxuu dhigayaa in saddexda dal ee kala ah Masar, Itoobiya iyo Suudaan ay miiska wadahadalka dib ugu laabtaan, iyadoo la eegayo danaha muhiimka ah ee dal walba uu ka leeyahay arrintaas.

Hase ahaatee saddexda waddan ee dhinaca goonida ah ka istaagay, oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankaas uusan wax faa’iido ah u lahayn danaha shacabkooda.

Warar ayaa sheegaya in saddexda dal ee ku gacan seyray qaraarkaas ay yeelan doonaan shir gaar ah.

Biyo xireenka Itoobiya, oo ay dhismihiisa ku baxeyso lacag dhan 4 bilyan oo doolar ayaa lagu wadaa in laga dhaliyo koronto awooddeedu ay gaarsiisan tahay ilaa 6,000mw.

Soomaaliya ma waxay la safatay Itoobiya?

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay labada dalba saaxiib la yihiin laakiin ay eegayaan danaha gaarka ah ee darisnimada.

“Annaga mowqifkeennu – oo ah nala qabeen dalkalka aan walaalaha nahay ee Itoobiya iyo Qadar -wuxuu ahaa in khilaafka ku saabsan biyo xireenka ay dhiseyso Itoobiya oo ay isku waafaqi la’ yihiin Masaarida iyo Suudaan in lagu dhammeeyo wadahadal. Qaraarka ay Masar soo bandhigtay wuxuu dhigayay in Itoobiya aysan buuxin karin biyo xireenka ilaa laga heshiiyo. Dowladda Itoobiyana heshiis wey oggoshahay laakiin waxay diiddan tahay in waqti looga dilo wadahadal dheeraanaya,” ayuu yiri.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sharraxaad ka bixiyay waxa ay Soomaaliya ku kala dooratay Masar iyo Itoobiya.

“Itoobiya daris baan la nahay, saaxiib baan la nahay, sidaas darteedna wixii dhibaato ah oo Itoobiya gaara annagana wuu nasoo gaarayaa. Masarna saaxiib ayaan la nahay, marka Soomaaliya dan uguma jirto khilaaf dalalkaas dhex mara.”

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa socday wadahadallo saddex geesood ah oo lagu doonayay in Masar iyo Itoobiya looga dhex dhaliyo heshiis ku aaddan arrinta ay isku hayaan.

Xigasho BBC-Somali

Previous Post

Akhriso:- Jubbaland oo taageertay qoraal kasoo baxay guddoomiyaha aqalka sare

Next Post

Faah-faahin kaso baxaysa Gabar dhalinyaro aheyd oo lagu dilay Muqdisho

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

July 7, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Next Post

Faah-faahin kaso baxaysa Gabar dhalinyaro aheyd oo lagu dilay Muqdisho

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda...

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay, halka 567 kalena la xiray, kadib mudaharaadyo xooggan oo looga soo horjeeday dowladda...

Fire at Cairo Telecom Hub Kills 4, Disrupts Internet, Phones, and Air Traffic

Fire at Cairo Telecom Hub Kills 4, Disrupts Internet, Phones, and Air Traffic

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Cairo, Egypt – A massive fire broke out Monday in the heart of Cairo at a key telecommunications hub, leaving four...

Russian Transport Minister Commits Suicide After Dismissal by President Putin

Russian Transport Minister Commits Suicide After Dismissal by President Putin

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Moscow, Russia – Former Russian Minister of Transport Roman Starovoyt was found dead on Monday in what officials are treating...

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Fire at Cairo Telecom Hub Kills 4, Disrupts Internet, Phones, and Air Traffic
English News

Fire at Cairo Telecom Hub Kills 4, Disrupts Internet, Phones, and Air Traffic

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Russian Transport Minister Commits Suicide After Dismissal by President Putin
English News

Russian Transport Minister Commits Suicide After Dismissal by President Putin

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Ahmed Madobe Pays Morale-Boosting Visit to Jubaland’s Elite Forces
English News

President Ahmed Madobe Pays Morale-Boosting Visit to Jubaland’s Elite Forces

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Tensions Flare as Lula and Trump Clash Over Bolsonaro Trial
English News

Tensions Flare as Lula and Trump Clash Over Bolsonaro Trial

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
  • Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
  • Fire at Cairo Telecom Hub Kills 4, Disrupts Internet, Phones, and Air Traffic
  • Russian Transport Minister Commits Suicide After Dismissal by President Putin

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00