Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo Go’aan Cusub soo saartay

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saartay Go’aan Cusub oo ku socda bahwadaagta Waxbarashada deegaanada Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in lasoo afjaray dhammaan Cashiradii sanad dugsiyeedka 2019-2020 taariikhdu markii ahayd 21/03/2020.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in imtixaanka fasalka 8aad ee Ardayda Galmudug si rasmi ah loo qaadi doono waqtigii loogu talagalay ee 30-ka Bisha soo socota ee May 2020.

Ugu dambeyn Maamulka Galmudug ayaa Digniin adeg u diray dugsigii isku daya inuu sii wado daraasadaha sanad dugsiyeedkaan ee 2019-2020 xili lasoo afjaray.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media