Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa lagu mamnuucay in Ganacsatada ay soo dejiyaan Qalabka ay Carruurta ku Ciyaaraan Maalmaha Ciida,kuwaas oo badan kood ah kuwo kas ameysan Bustoolado,Qoryo iyo Bambooyin intaba.
Wareegtada ayaa looga digay Ganacsatada in ay soo dejiyaan Qalabkaas,oo Wasaaradu sheegtay in ay yihiin kuwo dhibaato amni u keenaya dalka,isla markaana Carruuta oo horay ugu dhashay Wadan amnidarro ka jirto sii dhiiragelinaya.
Sidoo kale Ganacsatada ayaa loogu baaqay in Maalmaha Ciida kale ee soo socota in ay dalka keenaan Qalab kan ka duwan kaas oo Carruurta baraya waxyaabaha wanagsan .
Marka laga soo tago hadalka ka soo baxay Wasaaradda Ganaciga Soomaaliya ayaa waxaa xusid mudan in haatan Muqdisho iyo gobolada dalka laga isticmaalayo Qalabkaas.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada oo dhameystiran.