Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay Dad Csuub oo laga helay Cudurka COVID-19, iyadoo Cudurka uu u muuqda mid kasii yaraanaya gudaha dalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka saacadihii lasoo dhaafay laga helay 11 qof, kuwaasi oo ku kala sugan Somaliland 3, Benadir 7 iyo deegaanada Jubbaland oo 1 laga diiwaan-geliyay.
Bukaannada cusub 10 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 93 qof, halka uu Cudurka uu ku dhacay 3,130, waxaana ka bogsatay 1,462.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.