War ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu wargeliyay Hay’adaha UN-ka ee wadashaqeynta kala dhexeeyso Wasaaradda in aysan mar dambe shirar uga qeyb gelin Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa Hay’adaha UN-ka ugu baaqday in Shirarka ay ku qabtaan gudaha dalka ama ay u warejiyaan dalalka deriska la’ ah Soomaaliya sida Itoobiya iyo Uganda.
Sababta arrintaan loo sameeynayo ayaa Wasaaradda Caafimaadka waxaa ay ku sheegtay in tahay si Wakiiladda Wasaaradda loogu fududeeyo Safarada dhan dibadda ah.
Go’aankaan ayaa dhammaan waxaa lagu wargeliyay Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya kadib Shirkii Golaha Wasiiradda ay yeesheen,isla markaana waxaa loo sheegay in gebi ahaanba ay joojiyaan Hay’adaha wada shaqeynta kala dhexeeyso shirarkii ay ku qaban jireen Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka oo ku qoran Afka Ingariiska.