Wasaarada Warfaafinta oo Cambaareysay Qaraxii Xalay Ee Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wasiir Maareye ayaa ku tilmaamay Qaraxasi mid argagaxiso waxana uu sheegay inuu tacsi u dirayo dhamaan dadkii wax ku noqday Qaraxa.

Ugu yaraan 6 ruux oo uu ku jiray Nin u dhashay Dalka Turkiga ayaa ku dhintay Qaraxa oo lala damacsanaa in lala eegto Danjire Nick Kay.

Al Shabab oo sheegatay Masuuliyada Weerarka waxa shaacisay dhimashada 6 ruux oo ajaanib ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor