Wariye ku xirnaa Gaalkacyo oo la siidaayey

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa suurtagashay in xabsiga laga  siidaayo Wariye Axmed Khaliif Geedi oo Ciidamada Galmudug ay isla maanta xireyn

Siideynta Wariyaha ayaa waxaa ka qeyb qaatay  Ururka saxafiyiinta Gobolka Mudug oo dadaal badan ku bixiyey sida uu sheegay Wariye liban Cajiib oo ka mid ah Wariyayaasha ka howlgalla Magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Weriye Axmed Khaliif oo wakiil wareed u ah Tv-ga RTN ayaa loo haystay war uu dhawaan uu ka siidayay Tvga islamarkana uu kaga hadlay isbaarooyin Yaallay inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Galinsoor.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor