Waxa Maalintii labaad ku xiran Magaalada Garoowe Ee Xarunta Maamulka Puntland Wariye Jaamac Yuusuf Jaamac (Debaraani) oo shalay ay xiren Ciidamada Puntland.
Weli si rasmi ah looma ogga sababta keentay Xarigga suxufugasi balse Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Puntland(MAP) Feysal Khaliif Barre oo Dalsan la hadlay waxa uu sheegay iney la xiriirinayan Wareysiyo uu ka qaaday Wasiirka Warfaafinta Puntland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Ururka Saxafiyiinta NUSOJ ayaa sido kale shalay cambaareeyay xariga Wariye Jaamac Yuusuf Debaraani.