Wararka aan ka heleyno Magaalada Garooweย ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaas lagu xiray Wariye Cumar Maxamed Soomane.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay Cumar Soomane oo dhawaan loo magacaabay Wariyaha gaarkaย ah ee Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Sababta loo xiray Wariye Soomane ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii lagu eedeeyay inuu baraha Bulshada ku faafiyay warar been abuur ah.
Sidoo kale wariyeyaal ku sugan Magaalada Garoowe oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in Caawa xabsi ku yaalla Garoowe uu ku xiran yahay Wariye Cumar Soomane.
Si kastaba Wariye Cumar ayaa dhawaan si rasmi ah ugu biiray Madaxtooyadda Puntland gaar ahaan Xafiiska Warfaafinta, isla markaana waxaa laga dhigay Wariyaha gaarka ah ee Madaxweyne Saciid Deni.