Wariye Cabdimaalik Coldoon oo xabsiga laga sii daayey, kadib markii uu dhamaystay xukunka

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgala Somaliland, ayaa laga siidaayay Xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, halkaas oo uu Wariyaha ku xirnaa labadii sanno ee lasoo dhaafay.

Wariye Cabdimaalik Coldoon ayaa dhammaystay xukun laba sanno ah oo ay Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa ee Somaliland ku xukuntay, isagoo ugu danbeeyn arroornimadii hore ee saaka laga sii daayay xabsiga uu ku xirnaa.

Bilowgii bishii Febaraayo ee sannadkan sii dhamaanaya ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, Balse xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay Go’aanka maxkamadda gaartay.

Si kastaba Wariye Cabdimaalik Coldoon ayaa waxaa dhowr jeer lagu xiray xabsiyo ku yaalla deegaanada Somaliland, isagoona marar kala duwan lasoo taagay Maxkamad, isla markaana lagu riday xukuno, oo qaarkood cafis Madaxweyne lagu sii daayay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor