Jeneraal Cabdalla Cabdalle Maxamed oo horey u ahaan jiray taliye ku xigeenka hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa hadalkaan waxa uu sheegay xilli uu wareysi siiyey Idaacadda Voa-da.
Waxa uu sheegay in Hay’adda NISA dib u howlgelin lagu sameeyey sanadkii 2012-kii hadafkeeduna uu ahaa la-dagaalanka cadawga iyo soo celinta wadashaqeyntii ay la laheyd Caalamka.
Waxa uu sheegay in hay’adda qorshihii loogu talo galay laga weeciyey,isla markaana loo adeegsaday mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda.
“runtii qorshihii hore waa laga weeciyey Hay’adihii kale ee dowladda ayaa dib loogu soo celiyey qaarkood dhibka lagu haayo ayay u adeegsan waayeen ayay dalka isaga carareen,kuwo waa la tuhmay oo Shaqada ayaa laga ceriyey kuwana waa la xiray.
Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday ciidamadii NISA ee dhawaan lagu biiriyey Ciidamada Booliska Soomaaliya,waxaana uu sheegay in arrintaasi ay tahay mid lagu deg deg,isla markaana aan la diyaarin xaquuqdooda.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Hay’addu ay awood dheeraad ah saartay dhinaca howlgallada,isla markaana xogo badan ay keentay.
Waxaa kaloo wax laga weeydiiyey sababta keentay xilka qaadistii lagu sameeyey,waxaan uu sheegay in uusan ilaa iyo hadda waxba ka ogeyn.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo uu dhinacyo badan uga hadlay.