Ehelada Wiil dhalinyaro ah oo lagu dhex dilay Saldhiga Booliiska degmada Hurwaa ee gobolka Banaadir ayaa weli ku adkeysanaya in aan Meydka Wiilkooda aan la aasi doonin ilaa Cadaaalsda la horkeeno Askarigii dilay.
Mahad Cabdullaahi Axmed oo ah Walaalka Abshir Cabdullaahi Axmed oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in walakiisa Saldhigga looga yeeray loona sheegay in la soo dacweeyay.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in xoogaa muran kadib Walaalkiis isla Saldhiga dhexdiisa lagu toogtay amarkaasna uu lahaa taliyaha Saldhiga.
Sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan ay ku wargeliyeen taliyaha ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin uu kula hadlay hadal aan wanaagsaneyn oo ahaa in Walaalkood uu waalnaa oo Madaxda looga jiray.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Meydka Walaalkiis uu haatan Qaboojiyo ugu jiro isla markaana aan la’aasi doonin ilaa Cadaalada la horkeeno Shaqsigii ka dambeeyay dilkiisa.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Mahad Cabdullaahi Axmed.
Â