Daahir Cali Faarax ( Caga-dahab ) Waa Aabaha dhalay Deeqa oo ahayd Gabar 9-sano jir ah kana mid ahayd Ardayda wax kabarata fasalka 1-aad ee dugsiga Hoyga Xamar ee Magaalada Muqdisho oo Maanta Askari Ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya uu ku toogtay Muqdisho,waxaa uu faah-faahin ka bixiyey qaabka uu u dhacay dilka gabadhiisa.
Aabbe Daahir oo u waramay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Askariga falka dilka ah geystay uu ka mid ahaa ilaalada Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ee Ka howl-gala Shabeelaha hoose oo la yiraahdo Col.Sheegoow,waxaa uu sheegay in askariga dilka geystay ay murmeen askari la socday gaari kale kadibna uu rasaas ku furay gaari nuuciisu uu yahay Baska lagu qaado ardayda oo gabadhu ay ka mid ahayd arday saarneyd isla goobta ayeyna ku geeriyootay.
Askarigii iyo gaarigii uu la socday ayaa markii falku dhacay kadib goobta ka dhaqaaqay,iyadoo aysan jirin cid illaa iyo hadda soo qabatay gacan ku dhiiglaha,Saraakiil boolis ah oo tagay guriga Sarkaalka uu ilaalada u ahaa askariga dilka geystay ayaa la sheegay inaysan wax natiija ah ka keenin arintan oo waxaa maqnaa sarkaalka ilaalada uu u ahaa askariga.
Daahir Cali Faarax oo sii hadlaya ayaa waxaa uu sheegay in Meydka gabadha yar aan la aasin oo la geeyey Isbitaal inta xal loo helayo kiiskana aan la aasi-doonin meydka,barri ayuuna sheegay in ay qorsheynayaan in arintan daba-galkeeda ay bilaabaan,waxaa sidoo kale uu baaq u diray madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ka codsaday inay si deg deg ah uga jawaabaan cabashada ay qabaan iyo dhibka bareerka ah ee loo geystay.
Askarta dowladda ayaa waxaa inta badan ay geystaan falal naxdin iyo murugo ku beera ehelada dhibanayaasha ay dhibka u geystaan,waana wax mararka qaar dhaca in aan la ciqaabin askarta oo wixii ay geysteen wax laga weydiiyo askarta gaar ahaan ilaalada masuuliyiinta oo u bareera dilalka dadka rayidka ah.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Aabbaha Dhalay Marxuumadda.