Waxaa lagu wadaa in maanta dalka Jabuuti ay booqasho rasmi ah uga bilaaban doonto Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Farmaajo waxa uu kulan la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, si ay uga wada xaajoodaan madmadowga dhawaantan soo kala dhexgalay xiriirka dublumaasiyadeed ee labada dal.
Dabayaaqadii bishii July ayey aheyd markii uu Madaxweyne Farmaajo booqasho ku tegay dalka Eritrea, middaas oo dowladda Jabuuti ay si kulul uga soo horjeesatay hadal ay sheegtay in Farmaajo uu ku taageeray in Eritrea laga qaado cunaqabatayntii saarnayd tan iyo sannadkii 2009.
Falanqeeye Siyaasadeed Dr Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa sheegay in booqashada ay muhiim u tahay in la wada hadlo,isla markaana xal laga gaaro mad madow soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Jabuuti markii Madaxweyne Farmaajo uu tegay Magalada Asmara.
Waxaa kaloo uu sheegay in booqashadaan ay sidoo kale uu Madaxweyne Farmaajo ka qancin doono dowladda Jabuuti oo saaxiib dhow la’ah Soomaaliya caradii ay ka muujiyeen hadalkii uu madaxeeyne farmaajo ku codsaday in cunaqabateynta laga qaado Dowladda Eritrea.