• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, June 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(Warbixin) Muhiimad ceynkee ah ayuu u leeyahay Puntland deegaanka Af-Urur?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 21, 2018
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulashada Ciyaaraha, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Bishii Juun ee sannadkii hore ayey ahayd markii dagaallamayeyaal ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidanka Puntland ku lahaayeen deegaanka Af Urur oo qiyaastii Boosaaso u jira in ka yar 70 KM.

Wararku waxay sheegayaan in weerarkaaas ay askar ilaa 30 ah ku dhinteen, laakin Al Shabaab waxay sheegteen inay dileen tiradaa laba-laabkeed.

Gurmad xoog leh ayaa halkaa gaaray, fariisin intii hore ka xoog badan ayaana laga sameeyey, hase yeeshee Sannad ka dib ayey ciidanka Puntland halkaa ka baxeen ayadoo aan weerar lagu soo qaadin, waxaana soo galay Al Shabaab oo sida wararku sheegayaan gubay meelihii ay ciidanku ka bexeen, markii dambena iyaga qudhooda isaga baxay.

Haddaba maxay Af Urur muhiim u tahay?

Af urur waxay ku taalla Buuraleyda Golis, waxayna 30 KM u jirtaa waddada laamiga ah ee ka timaada Qardho ee Boosaaso aadda.

Puntland waxay muhiim ugu tahay maadaama ay u dhowdahay Boosaaso oo ah magaalo ganacsi oo deked leh, halbowlena u ah dhaqaalaha Puntland. In loo soo dhowaado waxay khatar galinaysaa jiritaanka Puntland.

Al Shabaab waxay muhiim ugu tahay inay awooddooda balaarin karaan. Waxaa la aaminsanaa in aysan Galgala soo dhaafi karin, laakin in Af urur ay qabsadaan waxay muujinaysaa in cududdooda ay ku baahin karaan deegaanno kale.

Al Shabaab ma haysan karaan Af urur?

Dr Zakariye Yuusuf oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya iyo gobolka wuxuu qabaa in taasi ay ku xiran tahay inta ay le’eg tahay cududda ciidan ee Puntland, iyo istaraatijiyada ay ka lleeyihiin Al Shabaab deegaanka Af-Urur.

“Waxaa laga yaabaa in Al Shabaab ay is leeyihiin ‘bal fiiriya in awoodooda ay qaybsami karto iyo in kale’ oo istaraatijiyad noocaas ah ay dheelayaan, laakin Puntland ayey ku xiran tahay awoodda ay u leedahay inay ku quusiso Al Shabaab” ayuu yiri.

Wuxuu intaa raaciyey “Puntland haddii ay shacabkeeda abaabusho way kari kartaa in ay dib ugu celiso Al Shabaab meeshii ay hore u joogeen”.

Dagaalka Tukaraq iyo culayska Puntland ka haysta Shabaab.

Laba wajhadood ayaa ku sida muuqata ku furan Puntland. Dagaalka Tukaraq xeeldheerayaashu waxay u arkaan in Puntland iyo Somaliland midkoodna aysan dani ugu jirin. Sababta waxay ku macneeyeen in ay xoog iyo xoolaba ku bixinayaan dagaal dhexdooda ah, halka Al Shabaab ay labada maamul u aaminsan yihiin kuwo aan shareecada islaamka dabakhaynin, oo ay banaan tahay in lagu jihaado. Taa micnaheedu waa in aysan kala jeclayn.

Ka bixitaanka Puntland ee Af-Urur oo markii hore loo sawirtay in Puntland uu culays milateri qabsaday ayaa waxaa meesha ka saaray Dr Zakariye oo u arka inay dhici karto in xeel milateri looga baxay.

“Waxaa dhici karta in akhbaar laga helay oo meesha looga baxay, ma aha wax aan sheegi karno sababta dhabta ah” ayuu yiri Dr Zakariye.

“Haddii aragti midaysan iyo siyaasad horumar leh lagu wajaho amniga Puntland, waxaa hubaal ah inay iska difaaci karaan Al Shabaab” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca dawladda dhexe ayuu tilmaamay inay waajib ku tahay inay Puntland kala qayb qaadato sidii ay isaga difaaci lahayd Al Shabaab, “laakinse waa inay Puntland la timaado istaraatijiyad lagu caawiyo”.

Waxaase is weydiin mudan haddii dawladda federaalka ay ka kaalmayso Puntland inay iska difaacdo Al Shabaab, ma ku abuuri kartaa Somaliland shaki ah in taageeradaas aan loo isticmaalin in Al shabaab lagula dagaalo oo kaliya?

Previous Post

RW Kheyre oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka Kana War-bixiyay Natiijada Shirkii Lusaka

Next Post

Ethiopia oo loogu Baaqay Xallinta Colaadda Oromada iyo Soomaalida

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

June 15, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

June 15, 2025
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya
Warar

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

June 14, 2025
Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay
Warar

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

June 14, 2025
Next Post

Ethiopia oo loogu Baaqay Xallinta Colaadda Oromada iyo Soomaalida

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Shirkii wadatashiga qaran ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dib u dhacay, inkasta oo lagu...

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Weerar gantaallo culus ah oo ay Iran saaka ku qaaday gudaha Israa’iil ayaa si weyn u dhaawacay xarunta cilmi-baarista ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dadaallada ay dowladda dhexe wado si loo xalliyo khilaafaadka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Cumaan, Cumar Badr Albusaidi, oo ka mid ah masuuliyiinta dhexdhexaadinta wadahadallada nukliyeerka ee u dhexeeya...

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security
English News

President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference
English News

Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
  • Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
  • Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00