• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 8, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(Warbixin): Maxay Soomaalida  ka macaashi lahaayeen Kenya oo ku guuleysata Hoggaaminta Ururka Midowga Afrika ?

Bilan Media by Bilan Media
January 31, 2017
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Gelinkii dambe ee shalay, Hoggaamiyayaasha 54-ka Waddan ee Qaaradda Afrika waxay Kulan ka yeesheen sidii loogu codeyn lahaa Guddoomiyaha cusub ee Ururkaasi, oo ay isku soo sharxeen Siyaasiyiin u kala dhalatay dalalka Kenya, Botoswana, Uganda, Equatorial Guinea iyo Chad.

Dowladaha ay ka soo kala jeedaan Tartamayaashaasi waxay galangal iyo xodxodasho badan u galeen sidii ay u kasban lahaayeen Codadka ugu badan ee Madaxda Dowladaha Afrika.

Kala-qeybsanaan ayaana ka dhex jirtay Cod-bixinta, iyadoo Dowladaha ku hadla Luqadda Faransiiska ee Galbeedka Afrika culayska saareen sidii uu Siyaasi iyaga ka soo jeeda u qaban lahaa xilka Guddoomiyaha cusub ee AU-da.

Madaxda Dowladaha Afrikaanka ee ku hadla Luqadda English-ka ayaa waxaa ka dhex jiray Loolan ku aadan Xilkaasi, mana jirin Murashax keliya oo ay ku mideysnaayeen.

Botoswana Uganda iyo Kenya waxay kala wateen Murashixiin khaas ah, waxayna tafaraaruqaasi ka dhaxleen in looga guuleysto Doorashadaasi.

Madaxda Kenya ayaana la sheegay inay jugdi badan ku bixiyeen sidii ay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Maxamed Jibriil ugu guuleysan lahayd Xilkaasi.

Inkastoo ay Dowladda Kenya dadaal iyo kharaj ku bixiyeen arrintaasi, haddana Warbaahinta Kenya waxay badankooda dhaliil ka qorayeen Amina Mohamed oo ah Siyaasi Somali-Kenyan.

Wargeysyadda The Star iyo The Standard ayaana qoray Maqaalo ay si aad ah ugu naqdiyeen Amina Mohamed, kuna sifeeyeen Wasiir gabtay Hawshii Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

 

Falaanqeynta Saxaafadda Kenya ayaana la dhihi kara waxay qeyb ka yihiin dhabar-jabka ay kala kulantay Tartankii Hoggaanka cusub ee Ururka AU-da, waxaana xilkaasi ku soo baxay Siyaasi u dhashay dalka Chad.

Inkastoo Kenya looga guuleystay Doorashadaai, waxay rumeysan yihiin inaysan helin Taageeradii ay ka filayeen dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika, mana kala cadda Dowladda Ethiopia inay taageereen Kenya iyo inay codkooda ugu shubeen Murashaxa ka socday dalka Chad ee ku guuleystay xilka Guddoomiyaha cusub ee AU-da.

Khubarada ka faalloota Arrimaha Siyaasadda Afrika ayaa rumeysan haddii ay Kenya ku guuleysan lahaayeen  Guddoomiyaha cusub ee AU-da inay taasi horseedi lahayd Galaangal badan oo ay ku yeeshaan dalalka Afrika, gaar ahaan Arrimaha Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.

 

Saadaasha waxay kaloo muujinaysaa inay Kenya fursad u heli lahaaayeen inay xoojiyaan Joogitaanka ciiddankooda  gudaha Somalia, gaar ahaan Askartooda aan ka tirsanayn Hawlgalka AMISOM.

Dowladda Kenya ayaa isku aragta Cududa Labaad ee Siyaasad ahaan iyo Milliteri ahaan  ee Geeska Afrika oo soo labayn karta Ethiopia oo haatan hesha Dhaqaalaha ugu badan ee Maraykanka ku bixiyaan Hawlgalladda Nabad-ilaalinta ee dalalka Somalia iyo Koonfurta Sudan.

Si kastaba ha ahaatee, lama wada oran karo Kenya waxay ku hungowday Hoggaaminta Ururka Midowga Afrika, waayo waxay weli si firfircoon ugu lugu leedahay Hawlaha Nabad-ilaalinta, inkastoo ay iska loodin la’ yihiin Weeraradda qorsheysan ee Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadaan Askarta Kenya ee joogta gudaha Somalia.

©Radio Dalsan

Previous Post

Dhageyso: Warka Duhur ee Radio Dalsan

Next Post

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM oo Shir Degdeg ah ka yeelanaya Gantaal ay Iiraan tijaabisay.

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Next Post

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM oo Shir Degdeg ah ka yeelanaya Gantaal ay Iiraan tijaabisay.

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, ayaa maanta martigelin doonta ergooyinkii ugu horreeyay ee ka kala socda gobolka Sanaag iyo deegaanada...

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia wishes to make it unequivocally clear that no military forces have been deployed to the...

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malleeshiyaadka deegaanka ay wadaan dhaqdhaqaaqyo milateri...

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda...

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
English News

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Fire at Cairo Telecom Hub Kills 4, Disrupts Internet, Phones, and Air Traffic
English News

Fire at Cairo Telecom Hub Kills 4, Disrupts Internet, Phones, and Air Traffic

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
  • No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
  • Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
  • Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00