• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, May 20, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Warbixin laga soo saaray xaalada xaquuqda Aadanaha ee Soomaaliya

Bilan Media by Bilan Media
September 6, 2018
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Warbixinta oo ka kooban 21 bog ayaa waxay sheegtay walow la gaaray waxoogaa horumar, in ay misna jiraan caqabado badan.

Caqabadahaas ay warbixintu sheegtay waxaa ka mid ah xorriyatul qowlka iyo xorriyadda fekerka oo “ay ku xadgudbaan ciidanka amaanka ee federaalka iyo kuwa dawlad goboleedyada, xadgudubyada loo gaysto dadka gudaha dalka ku barakacay, hanaan sharci oo ilaaliya dadka lixaadkoodu dhiman yahay oo aan jirin, iyo xuquuqda carruurta ay qafaashaan Al Shabaab ee la qabto ama baxsada”.

Waxay kaloo warbixintu ka hadashay ciqaabta dilka oo weli Soomaaliya ka jirta, “inkastoo uu dalku ogolaaday soo jeedintii la sameeyey 2011 ee qaybta ka ahayd in dunidu ay dib u eegis ku samayso sidii loo qaadan lahaa sharci ciqaabta dilka ah mamnuucaya”.

Caqabadaha kale ee warbixintu ay sheegtay waxaa ka mid ah xadgudubyada xagga jinsiga oo weli sii socda, inkastoo ay jiraan ololeyaal lagu dhaqan galinayo warmurtiyeedkii ay sida wadajirka ah u soo saareen xukuumadda federaalka ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee mamnuucista xadgudubyada jinsiga oo loola jeedo xadgudubyada dumarka loo gaysto ee 7dii Maajo 2013.

Warbixintu waxay tiri ” Al Shabaab weli waxay yihiin khatar weyn, inkastoo ay sii socdaan dagaalka ay wadaan ciidanka amaanka ee Soomaaliya iyo hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM)”.

Waxay soo qaadday warbixintu weerarkii 14kii Oktoobar ee sannadkii hore oo ay ku dhinteen boqollaal qof, waxayna intaa ku dartay in ay “bartilmaameedsadaan saraakiisha dawladda, ayna lacag ‘baad’ ah ka qaadaan dadka rayidka ah ee ku nool dhulka ay gacanta ku hayaan”.

“Soomaaliya weli waxay ku jirtaa wakhti kala guur iyo dhisme nabadeed ah. Waxaana soo maray dib u dhacyo siyaasadeed, iyo kuwo dhaqan dhaqaale, kuwaasoo sraakiil sar-sare xilalka looga qaaday” ayey tiri warbixintu.

Waxay soo qaadday guddoomiyihii baarlamaanka ee xilka laga qaaday.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay mowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khliaafka dalalka khaliijka, ayadoo ka fogaanaysa in degaansho la’aan ay soo wajahdo.

Dhinaca dhismaha maamullada gobollada ayey warbixintu sheegtay in la dhamaystiray 2016, laakinse ay weli jiraan khilaafaadka soohdimaha iyo sheegashooyinka dhulka, kuwaasoo gaar ahaan u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Arrimaha bani’aadminimada ayuu khabiirka madaxa banaan hoosta ka xarriiqay in ay sii kordheen dadka gudaha ku barakacay, wuxuuna amaanay jawaabta bani’aadminimo ee laga bixiyey, “ayadoo laga baaqsaday geeri, ka dib abaar dalka ka dhacday sannadkii 2017, taasoo ay kumanaan qof ku barakeceen gobollada Shabeellooyinka, sababtayna in ay dad ugu dhintaan Muqdisho”.

Wuxuu kaloo khabiirku warbixintiisa ku xusay talaabooyinka ay AMISOM qaadday , sida shaqaalaynta saraakiil u qaabilsan dhowrista xuquuqda aadanaha, “kuwaasoo sare u qaadi kara u hogaansanaanta xuquuqda aadanaha iyo shuruucda caalamiga ah ee xagga abi’aadminimada”..

Wuxuu ku amaanay AMISOM talaabooyinka dheeraadka ah ee ay ka qaadday ciribtirka tacaddiyada xagga galmada iyo “yaraynta khasaaraha dadka rayidka soo gaara marka ay hawlgallo fulinayaan”.

Wuxuu ku baaqay khabiirku in si dhakhsiyo leh loo soo gabagabeeyo hanaanka dib u eegista dastuurka, wuxuuna ka codsaday dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada inay “sare u qaadaan iskaashigooda, si loo hagaajiyo xaqdhowrka xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya”.

Wuxuu khabiirku warbixintiisa ku soo gabagabeeyey talo soo jeedinno ku aaddan caqabadaha uu warbixinta ku sheegay, waxaana ka mid ah in beesha caalamku ay xaqiijiso in tirada ciidanka AMISOM ee la yaraynayo lagu saleeyo jadwal iyo shuruud waaqici ah, ciidanka milateriga ee Soomaaliyana si habaysan loo tababaro, loo maalgeliyo, loona qalabeeyo, si ay awood ugu yeeshaan “damaanad qaadka amaanka qaranka”.

Wuxuu xukuumadda federaalka kula taliyey inay ansixiso dhowr heshiisyo iyo baaqyo xuquuqul insaan oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo goboleed oo weli aysan ansixin.

BBC SOMALIA

Previous Post

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo saxiixay Heshiis lagu mataaneynayo Caasimadaha Ankara iyo Muqdisho

Next Post

Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo heshiis kala sixiixday

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
Wararka Idaacadda

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

May 19, 2025
Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran
Warar

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran

May 19, 2025
DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO
Warar

DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO

May 18, 2025
Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

May 18, 2025
Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe

May 18, 2025
Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo
Warar

Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo

May 18, 2025
Next Post

Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo heshiis kala sixiixday

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

by Ilhaan
May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya,...

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

by Liban
May 19, 2025
0

Mogadishu, Somalia – A highly sensitive and potentially divisive legal debate unfolded today in Somalia’s Federal Parliament as members of...

Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt

Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt

by Dalsan Editor
May 19, 2025
0

The Office of the Auditor General of Somalia  recently took part in an important African Union (AU) meeting in Lomé,...

NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

by Dalsan Editor
May 19, 2025
0

The Director of the National Intelligence and Security Agency (NISA), Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe), accompanied by Member of Parliament Mohamed...

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
Wararka Idaacadda

RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament
English News

Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt
English News

Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations
English News

NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Prime Minister Hamza Rallies Somali Youth for National Defense and Democratic Participation
English News

Prime Minister Hamza Rallies Somali Youth for National Defense and Democratic Participation

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran
Warar

Duqeymo Culus iyo Dagaallo Ka Socda Aadan Yabaal iyo Deegaannada Ku Xeeran

May 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • RW Xamsa iyo Safiirka Yemen Maxay ka wada hadleen
  • Controversial Child Rights Charter Sparks Backlash in Somali Parliament
  • Somalia’s Auditor General’s Office participates in a High-Level African Union Meeting on Managing Government Debt
  • NISA Chief Visits Moqokori to Boost Troop Morale Amid Ongoing Anti-Terror Operations

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00