Warbixin: 700 oo muhaajiriin ah oo la soo badbaadiyay

In ka badan 700 oo muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay badda Mideterraneanka sida uu baahiyay wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska.

Markab laga leeyahay dalka Spain ayaa soo badbaadiyay dadkan oo ka soo tagay dhinaca Libya iyaga oo ku sii jeeday wadanka Talyaaniga.

Ciidamada badda Spain ayaa shalay soo bandhigay sawirada dadka la badbaadiyay oo gurmad loo sameynayo sida Wargeyska Daily Mail uu sheegay.

Kumanaan muhaajiriin ah ayaa maalin waliba laga soo badbaadiyaa badda waxaana sanadkan ku dhintay badda Mediterraneanka 2,814 qof tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan halka sanadkii 2015 ay ku dhinten 3,771 ruux.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa ku mid ah dadkasi dhintay inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada dadka Soomaalida ah ee badda ku dhintay sababo la xiriira hey’addaha dowlada oo aan weli u diyaarsanayn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor