Wararkii ugu danbeeyay Taliye iyo Saraakiil Ciidan oo lagu dilay Dagaalkii Huurweyn

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay tuulada Huurweyn oo qiyaas ahaan 25KM u jirta deegaanka Nuur-dugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, dagaalkaas ayaa u dhexeeyay ciidamada dowladda Federaalka, kuwa macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Weerar markii hore qaraxyo ku bilowday ayey Al-shabaab saaka ku soo qaaday deegaanka Huurweyn oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo macwiisleyda, waxaana weerarka kadib dhacay dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo la tilmaamay inuu ahaa mid aad xooggan, wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka inta uu socday lagu dilay Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda iyo macwiisleyda.

In ka badan 15 ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka oo isugu jiray saraakiil iyo Askar ciidan, waxaana dadkaas dhintay ku jira Taliye C/llaahi Caraaye Cumar oo saraakiisha ciidanka milateriga ee howlgalkan hoggaaminayey iyo Sheekh Qaasim Cali Gaab oo ahaa hogaamiyaha macaawisleyda degaanka Nuurdugle.

Deegaanka Nuur Dugle ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee lagala wareegay kooxda Al-Shababaab, waxaana maalmo kahor deegaankan booqasho ku tegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaas kula hadlay ciidamada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor