Wararkii ugu danbeeyay Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay dalka Turkiga

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax galaabta ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Barasaabka Istanbul Ali Yerlikaya ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in 4 qof ay ku naf waayeen 38 qofna ay ku dhaawacmeen qaarxaasi.

Sawirada la helay, ayaa muujinaya gawaari badan oo kuwa gurmadka degdega ah ah iyo kuwa booliska oo halkaasi ku sugan.

Waddada uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd mid mashquul badan maadaama ay maanta tahay Axad .

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya dad daadsan laamiga dhexdiisa. Wali xukuumadda Turkiga faahfaahin kama bixin waxa sababay qaraxaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor