Wararkii ugu danbeeyay In ka badan 30 qof oo ku geeriyootay Gobol ka tirsan Hindiya

Ugu yaraan 32 qof ayaa dhintay ka dib markii ay duntay buundo ku taal gobolka Gujarat ee galbeedka Hindiya.

Boqolaal qof ayaa ku daatay wabiga Macchu ee magaalada Morbi. Muuqaallo la soo duubay ayaa muujinaya dad ka soo laa-laada buundada.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 400 oo qof ay ku sugnaayeen goobta markii ay buundada dumeysay. Maamulka ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu samata bixinayo dadka ku daatay webiga.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmatay afar maalmood uun ka dib markii dib loo furay buundada ka dib dayactir lagu sameeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor