Wararkii ugu danbeeyay Ganacsade lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa xalay deegaanka ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay Ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Axmed oo loo yaqaanay Sheekeeye, kaasi oo u dhintay rasaas looga lagu dhuftay.

Marxuumka ayaa la dilay, xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha ee xalay, waxaana dad ay ku warrameen in Askariga dilay uu doonayay  inuu Ganacsadaha ka dhaco Moobeel uu watay, balse uu toogasho ku dilay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga falka geystay uu durbadii ka baxsaday goobta, illaa iyo haddana lama sheegin in gacanta lagu soo dhigay Askariga iyo in kale, qaar kamid ah qoyska Cabdiraxmaan ayaa goobta uu dilkiisa ka dhacay ka qaaday Meydka.

Deegaanka ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale loogu dilay dad shacab ahaa, iyadoo dilalkaas ay geysteen burcad hubeysan oo dhac u geystay dadka, falalka amni darro ayaana kusoo badanaya Muqdisho iyo duleedkeeda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor