Wararkii ugu danbeeyay Falastiiniyiin lagu laayay Weerar ka dhacay Daanta Galbeed

Sagaal Falastiiniyiin ah, ayaa lagu dilay weerar ay Milatariga Israa’iil ka fuliyeen Daanta Galbeed ee la haysto.

Mas’uuliyiinta Falastiin, ayaa sheegay  inuu weerarkani yahay kii ugu dhimashada badnaa muddo sanado ah.

Haweeney da’ ah, ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyootay magaalada Jenin.

Milateriga Israa’iil, ayaa sheegay inay u dhaqaaqeen sidii ay u fashilin lahaayeen weerarro waaweyn, oo ay soo qaadi rabeen kooxda Jihaad Islaami ee reer Falastiin.

Inta lagu guda jiro isku dayga lagu doonayay in lagu soo qabto maleeshiyada, ayaa saddex kamid ah ay rasaas ku fureen ciidamada, waana la dilay dagaal yahanadii. Mid afraad ayaa is dhiibay oo la xiray.

IDF waxay ku eedaysay xubnahan katirsan Islamic Jihad inay “si weyn ugu lug lahaayeen qorsheynta iyo fulinta weeraro argagixiso oo waaweyn oo lala beegsaday rayidka iyo askarta Israel”.

Rag hubaysan oo Falastiiniyiin ah, ayaa rasaas ku furay ciidamada intii uu socday weerarka, sida ay ciidamadu sheegeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor