Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka Ruushka oo Duqeyn ku laayay Dad shacab ah

Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay Gantaalada Ruushka uu ku garaacay koonfurta bari ee magaalada Zaporizhzhia, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ukraine.

Tobaneeyo kale ayaa dhaawacmay, waxaana burburay dhismayaal dhowr ah oo la dego.

Magaaladu waxaa gacanta ku haysaa Ukraine, balse waxa ay ka mid tahay gobol uu Ruushku sheegay in uu la wareegay bishii hore.

Zaporizhzhia ayaa si isdaba joog ah loo garaacay toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo Ruushka uu dib ugu bilaabay magaalooyinka ka dib markii uu guuldarrooyin kala kulmay koonfurta iyo waqooyi-bari ee Ukraine.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor