Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar geystay Khasaaro isugu jira dhimasha iyo dhaawac oo xalay ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Weerarka ayaa waxaa geystay ku hubeysnaa Bastoolado oo watay gaari nooca raaxada ah,isla markaana waxaa loo geystay Askar ka tirsanaa Ciidanka Booliska Boosaaso.
Ugu yaraan hal Askari oo lagu magacaabi jiray Sharma’arke Axmed Waaberi ayaa ku geeriyooday weerarka,halka ay ku dhaawacmeen 2 askari oo kale,kuwaasi oo dhammaantood saarnaa Gaari marayay isgooyska Banaadir ee magaalada Boosaaso.
Kooxihii hubeysnaa ee falkaas geystay ayaa si deg deg ah goobta ugu baxsaday gaari ay wateen,waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada,iyagoona baaritaano ka sameeyay.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa muddooyinkii dambe ka dhacayay falal amni darro,mana jirto cid weli loo soo qabtay falalkaas.