Magaalada Garoowe waxaa goordhow kadib bilaabanaysa doorashada guddoomiyaha Baarlamanka Puntland iyada oo haatan la dhageysanayo khudbadda Murashaxiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baalamaanka.
Xilka Guddoomiyaha Puntland waxaa u taagan ilaa iyo 3-dex musharrax khudbad ka hor jeedinaya golaha Wakiilada maamulka Puntland, waxaana ay kala yihiin Musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka, 1: Cabdi jamaal Cismaan Maxamed, 2: Cali Axmed Dhahar iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Markii ay dhacdo hadal jeedinta iyo saxiixa looga baahanyahay masuuliyiinta u taagan xilka Guddoomiyaha golaha Wakiilada ayaa la filayaa in la galo u codaynta 3-dexda Musgarax oo geli doona loolan adag sida ay ay sheegayaan siyaasiyiinta Puntland.
Guddoomiyihii baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Ayaa xilkii laga qaaday kadib markii ay eedeymo u jeediyeen qaar ka mid xubnaha golaha baarlamaanka.