Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka aan ka heleyno Xarunta Ahlusunna Waljameeca ee Inji ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dhex dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Ahlusunna.

Dilkaan ayaa waxaa la sheegay inuu geystay Askari ilaalo ah Wasiirka amniga maamulka Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf, waxaana tilmaamay in dilkaas uu yimid kadib markii labada Askari uu muran soo kala dhex-galay.

Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay Askarigii dilka geystay, kaasi oo isku dayay inuu ka baxsado Xarunta Ahlusunna Waljameeca ee Inji, waxaana la sheegay in lagu xiray xabsi ku yaalla halkaas.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa marar kala duwan ka dhacay dilal ay geysteen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaaklka, kuwaasi oo markii dambe gacanta lagu dhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media