Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxaya khasaraha ka dhashay dagaal culus oo ciidamada Itoobiya iyo Kooxda Macawiisley ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa waxa uu ku bilowday kadib markii sida la sheegay Kooxda Macwiisley ay wadada u galeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca degmada Xudur ee gobolka Bakool una soo talaabay dhinaca gobolka Hiiraan.
Saraakiisha Hogaminaysa Kooxda Macawiisley ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan oo baxsad ah ay dagaal la galeen islamarkaana ay gaarsiiyeen khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac sidoo kalana ay kuwa kale ganacta ku dhigeen.
Waxa y sheegeen Kooxda Macawiisley in Askarta Itoobiyaanku ay ahayeen 41 islamarkaana ay dileen 20 halka 21-kalana ay nolosha kusoo qabteen,arrintaan ayay sheegeen in ay ka dambeysay kadib xog ay heleen oo ku aaddan in ay jiraan ciidamo kasoo goostay howlgalka AMISOM una soo tallaabay dhinaca gobolka Hiiraan si ay xudduuda uga gudbaan,waxaana ay sheegeen in ay ku guuleysteen howlgalkoodii.
Kooxda Macawiisley ayaa inta badan dagaal lagasha Alshabaab iyada oo ilaa iyo haatana aysan jirin masuul ka tirsan maamulka Hirshabelle ama Koonfurgalbeed oo arrintaan ka hadlay.