Wararkii ugu dambeeyay Bandow lagu soo rogay Sri Lanka, xilli ay socdaan Dibad-baxyo

Sri Lanka ayaa soo rogtay bandow dalka oo dhan ah iyadoo ay socdaan mudaaharaadyo

Shacabka Dalka sri lanka ayaa lagu soo rogay bandoow ka dib markii iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada ammaanka iyo dad gadoodsan oo ku sugnaa agagaarka baarlamaanka, iyadoo dhowr qof ay ku dhaawacmeen labada dhinac, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha.

Dadweyne Gadoodsan ayaa xukunka ka tuuray Mmadaxweynihii dalkaas isagoo u baxsaday Jaziradda Maldives,Iyadoo ay weli sii socdaan mudaaharaadyo ballaaran oo ka dhashay dhibaato dhaqaale oo sii xumaaneysa.

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa ka dhoofay Maldives isagoo raacay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Sacuudiga oo ku sii jeeday Singapore.

Madaxweynaha ayaa u qaxay Maldives maalin ka hor xilli ay dalka Srilanka ay ka dhaceen dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dhibaatada dhaqaale ee Sri Lanka.

Ma cadda in Mr Rajapaksa uu sii joogi doono Singapore iyo in uu u isticmaali doono meel ka baxsan.

Waxa uu hore u ballan qaaday in uu xilka iska casili doono maalinimadii Arbacada ee la soo dhaafay. balse waxa uu ku guul daraystay in uu si rasmi ah u gudbiyo iscasilaadiisa ilaa hadda.

About Webmaster

View all posts by Webmaster