Xubno ka tirsan DFS iyo M/Goboleedyada oo heshiis ku gaaray Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay Shirka Wadatashiga Dakhli-wadaagga Kalluumeysiga dalka Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya iyo Wasiirada Wasaaradaha Kalluumeysiga maamul Goboleedyada.

Shirkaan oo socday muddo laba maalmood ayaa waxaa looga hadlay xoojinta howsha socota ee Dakhli-wadaagga Kalluumeysiga dalka iyo dib-u-eegista sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galay Shirka ayaa ku heshiiyay in loo guntado ilaalinta noolaha iyo deegaanka badda, ka hortagga kalluumeysiga sharci darrada ah ee xeebaha dalka iyo mideynta siyaasadaha Kalluumeysiga.

Sidoo kale Wasiirka Kalluumeysiga dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa go’aan ku gaaray in muhiimad gaar ah la siiyo ka hortega wax kasta oo dhibaato u keeni kara noolaha ku jira badda, isla markaana la ilaaiyo maareynta kheyraadka.

Wasiirada ayaa waxaa ay kaloo ku heeshiiyeen in la dardar-geliyo dhameystirka sharciga kalluumeysiga si shaqsi ah loogu gudbiyo Golaha Wasiirada dowladda Federaalka si ay u meel mariyaan, uguna gudbiyaan Baarlamaanka Federaalka.

Hoos ka Akhriso War-murtiyeed laga soo saaray Shirka Wasiirada kallumeysiga.