Weli waxaa Xarunta golaha shacabka ee Magalada muqdisho ka socda kualnka ay leeyihiin Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ay uga hadlayaan Amniga dalka.
Xildhibaano farabadan ayaa maanta hadalo kala duwan halkaasi ka jeediyey,iyada oo qorsuhu maanta yahay inay hadlaan 27 Xildhibaan.
Xildhibaanada hadlay waxaa ka mid ah Xildhibaan Zakariye Xasan,waxana uu sheegay in ay garan la yihiin cida ay saaxiibka kala tahay dowladda Soomaaliya Siyaasada Arrimaha Dibada.
Waxa uu Xildhibaanka sheegay isaga oo sii hadlayey in ay muhiim yahay in Ra’iisul Wasaare kheyre iyo taliyeyaasha ciidamada ay Baarlamaanka horyimaadaana si amniga dalka wax uga weeydiiyaan.
Sidoo kale waxaa la filayaa in xildhibaano kale ay hadalo ka jeediyaan kulanka Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana ka hadlaan xaalada amni ee xilligaan dalka.
Sidoo kale waxaa la filayaa in Xildhibaano kale ay halkaasi hadalo ka jeediyaan,iyaga oo ka hadli doono xaalada amni ee xilligaan dalka Soomaaliya.