Xildhibaanada Aqalka Sare oo Ansixiyay Sharciga Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 6aad, iyadoo Ajandaha kulanku uu ahaa laba qodob oo kala ah:

  1. Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Shidaalka(Batroolka)

2.Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada.

Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Wasiirka Batroolka XFS Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa marsiiyay Golaha Aqalka Sare Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Shidaalka,(Batroolka).

Guddomiyaha Aqalka Sare ayaa 28,Oktoobar 2019 ayaa si rasmi ugu gudbiyay Hindise-Sharciyeedka Shidaalka,(Batroolka) guddiga Kheeyraadka Qaranka,kaabayaasha dhaqaalha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare si waafaqsan si waaafaqsan Qodobka 45aad ee (1) ee xeer-hosadka Aqalka Sare.

Ajanadaha 2aad ayaa ahaa Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada.

Kulanka waxaa soo xaadiray 32 Senatar, Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada.

Ugu danbeeyn Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ku dhawaaqay inay shacigaas ansixintiisa ay Ogaalatay 20, senatar, waxaana diiday 10 ,Senatar, halka uu amuusay 1 Senatar, isla markaana sidaas uu ansax ku yahay.