Xildhibaan kusoo baxay Doorasho aan tartan loo gelin kana dhacday Magaalada Kismaayo

Musharax Xasan Cismaan Aadan ayaa u tanaasulay Musharaxa la tartamayey oo ah Maxamed Sheekh Nuur Cismaan kuwaa oo ku tartamayey doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee kursiga tirsigiisu yahay #HOP107.

Ergada u codeeneysay kursiga HOP107 ayaa dhammaan cod gacan taag ah siiyey Maxamed Sheekh Nuur Cismaan oo ku guuleystay doorashadii Goordhow ka dhacday Magaalada Kismaayo, kadib markii uu tanaasulay Musharaxiin la tartami lahaa.

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay in sidaa uu ku guuleeystay kursiga HOP 107 Madamed Sheekh Nuur Cismaan.

Doorashada kursiga koowaad ee Maanta ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa uu kusoo baxay Cumar Ibraahim Xaashi oo helay Codad gaaraya 80 Cod, halka Musharaxii la tartamay uu isna 12 Cod helay, 8 Cod ayaa halaawday.

Doorashada 4 kursi kale ayaa isla Maanta lagu qaban doonaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, sida uu qorshahu yahay…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor