Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo mudooyinkii u danbeeyay ay ka jireen colaado sokeeya iyo dagaalo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-shabaab ayaa haatan waxaa ka jira dhibaatooyin la xariira dhanka nolosha saameeysay kumanaan qoys.
Dadka Bacaadweyne ku nool ayaa sheegaya in degaanka aanu helin wax gurmad ah looga qeyb qaadanayo wax ka qabshada dhibaatada nolaleed ee halkaasi ka taagan, isla markaana dadka ay dareemayaan xaalad abaareed.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in kumanaan qoys ay isaga barakaceen halkaas, isla markaana deegaanka Bacaadweyne iyo Tuulooyinka hoostaga ay ka jirto xaalado adag oo Bini aadanimo.
Dadka ayaa dowladda Federaalka ugu baaqay inay gargaar deg deg ah soo gaarsiiyo, maadaama dadka qaarkood ay ku adkaatay nolosha, kadib markii la waayay ceelashii laga cabi jiray biyaha.
Si kastaba deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxa xiligaan ka jira abaaro sameeyay noloshada kumanaan qoys, waxaana abaarta ugu daran ay ka jirtaa Gobolka Gedo.