Wasiirka Caafimaadka Xilgaarsiinta oo magacaawday Agaasime cusub

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ayaa magacaawday Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaraddaas.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka Wasiir Fowsiya Abiikar ayaa waxaa ay ku sheegtay in Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka u magacaawday Cabdullaahi Salaad Xuseen oo ah wiil dhallinyaro aqoonyahan ah.

Wasiir Fowsiya Abiikar Nuur ayaa tilmaamtay inay ku faraxsan tahay inay magacaawdo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, iyagoona sheegtay inuu Cabdullaahi Salaad kusoo baxay tartan uu u galay xilkaasi.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan u magacaabo Mudane Cabdullaahi Salaad Xuseen Agaasimaha Maaliyadda & Maamulka ee Wasaaradda Caafimaadka. Magacaabistiisa waxay ku timid hab cadaalad ah oo loo tartamay” ayey tiri Wasiir Wasiir Fowsiya Abiikar oo Caawa Qoraal soo saartay.

Agaasimaha cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Salaad Xuseen ayaa ah Wiil dhallinyaro aqoonyahan ah, kaasi oo heysta shahaadooyinka ACCA, CIPFA, iyo CIA.