Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa si kulul uga hadlay howlgal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho.
Shalay Gelinkii dambe ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somalia waxa ay howlgallo burburin ah ka bilaabeen goobo Ganacsi oo ku yaalla wadada Jid Cagaaro ee degmada wadajir,waxaana halkaas uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada Booliska iyo Rag hubeysan oo diidanaa burburintaas.
Howlgalka burburinta ahaa ayaa waxaa hoggaaminayey Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir iyo Afhayeenka Ciidanka Boolislka Soomaaliyeed,waxana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray ciidamada booliska iyo raggii hubeysnaa ee ka soo horjeeday howlgalka burburinta.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay shaqaaqaadaas ay baaritaano ku sameynayaa,isla markaana cidii ku lug yeelata tallaabo Sharci ah ay ka qaadi doonaan.
“Marnaba ma aqbaleyno in dad dhaawac ah la sii duibaateeyo Gaal iyo Muslim ciduu doono ha ahaatee xataa hadii uu Al-Shabaab yahay laakin baaritaano ayaan wadnaa tallaabo ayaana ka qaadeynaa dadkii ay ku cadaadyo ayuu yiri wasiirka.