Wafdigii Maanta lagu xayiran Garoonka Muqdisho oo kulan la qaatay Qoorqoor

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa dib ugu laabtay wafdi uu hogaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Cacal.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ahaa Wasiiro ka tirsan Galmudug, waxaana Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulkaas.

Intaas kadib Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Cacal.

Kulanka oo ahaa mid is xog-wareysi ah ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo safarkii shaqo ay ugu maqnaayeen Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Guddoomiye Maxamed Nuur Cacal ayaa Madaxweyne Qoorqoor uga warbixiyay hawlihii u soo qabsoomay intii ay ku sugnaayeen Caasimada dalka ee Muqdisho.

Diyaaradii waday wafdiga uu hogaaminayay Guddoomiye Maxamed Gacal ayaa waxaa muddo dhow saacad lagu xayiray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Diyaaraddaas ayaa waxaa la sheegay in marka horey ay ogolaasho bixid ah ka heysatay Hay’adda Duulista Hawada, hayeeshee is hor-istaag lagu sameeyay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Taliyaha Nabadsugida Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu diiday in diyaaradaas ay ka duusho Garoonka,  balse wada-hadal dheer kadib la fasaxay.