Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ayaa la filayaa maanta in uu gaaro Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo dhawaanahaan ay ka taagnayd xaalad kacsanaan siyaasadeed ah.
Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muqtaar Xuseen Afrax iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ay ku wajahan yihiin Magaalada Baladweyne oo xarun u ah Gobolka Hiiraan.
Ujeedka Wafdiga ayaa waxaa la sheegayaa in ay tahay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya maamulka cusub ee Hir-shabeelle iyo Jabhadda dhawaan looga dhawaqay duleedka baladweyen ee dagaalka kula jirta maamulka Cusub ee uu hoggaamiyo cali Guudlaawe.
Wasiirka ayaa la sheegay in uu kulamo gooni gooni ah ka billaabi doono Baladweyne, waxaana si gaar ah uu ula kulmi doonaa waxgaradka iyo odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ka biya diidsan qaabka loo dhisay Maamulka Hir-shabeelle.
Waxaa sidoo kale la filayaa in haddii Wasiirku tago Baladweyne uu heshiis nabadeed u raadin doono Jabhadda la baxday Xoraynta Hiiraan iyo Maamulka Hir-shabelle.
Tan iyo markii la dhisay Maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen waxaa soo baxaayay Cabsho iyo qayladhaan xooggan oo ka imaanaysay bulshada reer Hiiraan, kuwaasi oo sheegay in aysan ku qanacsaanyn qaabka Awood qaybsiga Maamulka Hirshabeelle.